20 Sep, 2025
1 min read

Sacuudiga oo shaaciyay in berri tahay maalin fasax ah si loogu dabaal dego guushii ay ka gaareen Argentina.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa ku soo warrantay, in boqorka dalkaas, Salmaan Cabdulcasiis uu shaaciyay, in berri oo Arbaca ah ay maalin fasax ah u tahay shaqaalaha iyo ardayda wax ka dhigta dalkaas si loogu dabaal dego guushii ay manta ka gaareen dalka Argentina ee tartanka Koobka Adduunka Qdar.. Sida laga soo xigtay wajaaladda wararka […]

1 min read

Siyaasi Guulayste oo u tartamay Xubin ka mid ah Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu dilay.

Kooxo hubeysan ayaa Degmadda Wadajir gaar ahaan Waaxda Tima Cade ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheer Guuleyste, kaas oo kamid ahaa musharrixiinta u tartamay kursiga hop#33 oo uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale. Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay dilka geysteen, hayeeshee ay goobta soo gaareen […]

1 min read

Natiijooyinka Kulamadii xalay ee Koobka Adduunka iyo kuwa maanta

DOHA — Kabtanka Xulka K/cagta ee Wales Gareth Bale ayaa ka careysiiyay Mareykanka kulankii ay labada xul iskaga horyimaadeen garoonka Ahmed bin Ali ee ka tirsanaa Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qadar, kadib markii uu daqiiqadihii dhammaadka uu ka dhaliyay gool bar-bar dhac ahaa. 33-jirkan ayaa isaga oo isticmaalaya awood iyo khibrad gool rigoore ahaa […]

1 min read

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo baab’’iyey xeerar horey u soo saaray madaxweynihii hore Farmaajo.

MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baab’’iyey xeerar horey uga soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo lasoo saaray sanadkii 2020. Xeerarkan ayuu madaxweynaha sheegay in Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo. Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh : “Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ku bixinaysaa dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka …”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan. Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, […]

1 min read

Midowga Afrika oo howlgalka ATMIS ugu baaqay inay dar dar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa booqday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah barnaamijkiisa Soomaaliya. Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee taageeraya ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. Wakiilka […]