1 min read

Sacuudiga oo shaaciyay in berri tahay maalin fasax ah si loogu dabaal dego guushii ay ka gaareen Argentina.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa ku soo warrantay, in boqorka dalkaas, Salmaan Cabdulcasiis uu shaaciyay, in berri oo Arbaca ah ay maalin fasax ah u tahay shaqaalaha iyo ardayda wax ka dhigta dalkaas si loogu dabaal dego guushii ay manta ka gaareen dalka Argentina ee tartanka Koobka Adduunka Qdar..

Sida laga soo xigtay wajaaladda wararka ee Sacuudiga, go’aankaas ayaa yimid kaddib soo jeedin ka timid, dhaxal sugaha dalkaas ee Maxamed Bin Salmaan.

Xulka waddanka Sacuudiga ayaa tartanka Koobka Adduunka ku bilowday guul taariikhi ah oo ay ka gaareen dhigooda Argentina oo ay ugu adkaadeen 2-1.