1 min read

Xulka Sacuudi Carabiya oo guul daro taariikh ah ku dhigtay Meesi iyo xirtiisa.

Dalka Saudi Arabia ayaa qaaday tallaabo ka yaabsaday dadka ku nool dalkaas iyo adduunka kadib markii ay maalin fasax ah ka dhigeen maalinta bari ah sabab la xidhiidha guusha uu xulkoodu ka gaadhay Argentina koobka adduunka

Xulka Saudi Arabia ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Argentina kulan ka tirsanaa koobka adduunka iyo Group C.

Xulka Saudi Arabia ayaa laba gool oo deg-deg ah ka dhaliyay xulka Argentina bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta sidaasna ku garaacay xulka Lionel Messi.

Si ay farxada ula qabsadaan xiddigohooda xukuumada dalka Saudi Arabia ayaa maalin fasax ah ka dhigtay maalinta bari ah si ay u xusaan guusha taariikhiga ah ee ay ka gaadheen xulka Argentina.

Boqorka dalka Saudi Arabia ee Salman ayaa ku dhawaaqay in dalka Saudi Arabia bari laga gali doono fasax loogu dabaal dagayo guusha uu dalkoodu ka gaadhay kulankoodii koobka adduunka.