October 2022
Madaxweynaha Uganda oo wiilkiisa laga qaaday taliyaha ciidamada dhulka.
Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa laga qaaday xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha ciidamada dhulka. Hase yeeshee, waxaa loo dallacsiiyay darajada Janaraal buuxa, oo ah heerka ugu sarreeya ee laga gaaro militeriga dalka Uganda. Waxa uu sidoo kale sii ahaan doonaa la-taliyaha madaxweynaha ee howlgallada khaaska ah. Janaraal […]
Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii shalay ka dhacay Balad Weyne.
Magaalada Balad Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa wali waxaa ka socda hawlgal lagu baadi goobayo dad la la’aa tan iyo shaley, kuwaasoo loo maleynayo iney ku dumeen dhismayaashii ku burburey qaraxyadii saddexda ahaa ee magaaladaasi gilgilay. Saaka dhismaha hoose ee dowladda, ayaa waxaa laga helay meydka aggaasimihii waaxda dhulka ee dowladda hoose ee magaalada […]
Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii ka soo yeeray wiilka Museveni.
Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka madaxweynaha. Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka. “Waxaan aad u qadarineynaa […]
Jubaland oo billowday olole lagu badbaadinayo degaanka.
KISMAAYO — Wasaaradda deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa waayadii dambe wadday olole ballaaran oo bulshada looga wacyi galinayo ka hortaga jarista dhirta si looga hortago nabaadguur ku yimaada deeganka iyo isbadalka cimilada deegaanka. Maamulka ayaa dhowrjeer oo horey sharciga horgeeyay dad lagu eedeeyay in ay ku mashquulsanaayeen jarista dhirta iyo geedaha. Dhinaca kale, maamulka ayaa billaabay […]
Google, Twitter iyo Facebook oo loo haysto eedo argagixiso.
WASHINGTON — Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaarsiinta bulshada. Facebook, Google iyo Twitter ayaa lagu eedeeyey inay qayb ku lahaayeen mas’uuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw […]
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay Yasooman.
Ciidanka Soomaaliya iyodadka deegaanka gobolka Hiiraan, ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Yasooman ee Bariga gobolka Hiiraan. Sida ay qortey warbaahinta dowladda Soomaaliya, Yasooman, ayaa kamid ah deegaanadii dhawaan ciidanku dowladdu kasoo baxeen, taasoo saraakiisha ciidanku ku sheegeen xeelad dagaal. Ciidamada ayaa haatan baaris iyo miino saar ka wada gudaha magaalada.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo warsaxaafadeed soo saaray.
Taliska ciidamada Mareykanka ee (Africom), ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo dhacday 1-dii bishan Octoobar. Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Jilib, oo qiyaastii 370 Kilomitir u jirta Koonfur Galbeed Muqdisho. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiye ka […]
Xulka 17-jirada Soomaaliya oo ka badiyay dhigiisa Itoobiya.
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine Ayaa Hambalyo u diray Guud Shacabka Soomaaliyeed, Ciyaartoyda, Macalimiinta iyo Gudigii Horkacaayay Xulka Qarankeena, Kadib guushii Galabta Aan Ka Gaarnay Dhigeena Itoobiya. Xulkeena Ayaa 9-ka bishan La Ciyaaraya Xulka Tanzaania, iyadoo xilkeena aan u rajaynayno ciyaartaas inuu ka soo hoyiyo guul wayn oo ummadda […]
Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya oo Cape Town uga qeybgalaya shirka todobaadka shidaalka Africa.
Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Cape Town uga qeybgalaya shir todobaadka shidaalka Africa ayaa ka tacsiyadeeyay qasaarixii ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ee gobalka Hiiraan oo ay ku dhinteen dad shacab iyo masuuliyiin isugu jira. Wasiir Abdirizak ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay xildhibaanada ku dhintay qaraxa, gaar […]
Baraha Bulshada. Been iyo Run.
Baraha Bulshada beryahaan waa ku wareeray. Maxaa laga wadaa? 1. Dayaarad Drone ah oo wado 6 Gantaal ayaa jahadii ka dhuntay, kadib markii Qooleey Xoowli dheer ku socoto ey soo dhinac martay. 2. Ukrine ayaa waxaa dhul ka qabsaday Ruushka, waxaana u sabab ahaa Koofur Africa oo aan Dagaalka ka soo qeyb galin. 3. Kaluun […]
