1 min read

Jubaland oo billowday olole lagu badbaadinayo degaanka.

KISMAAYO — Wasaaradda deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa waayadii dambe wadday olole ballaaran oo bulshada looga wacyi galinayo ka hortaga jarista dhirta si looga hortago nabaadguur ku yimaada deeganka iyo isbadalka cimilada deegaanka.



Maamulka ayaa dhowrjeer oo horey sharciga horgeeyay dad lagu eedeeyay in ay ku mashquulsanaayeen jarista dhirta iyo geedaha.

Dhinaca kale, maamulka ayaa billaabay in waddooyinka lagasoo galo magaalada Kismaayo uu ka mamnuuco in dhuxul ay kasoo gasho magaalada.