1 min read

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay Yasooman.

Ciidanka Soomaaliya iyodadka deegaanka gobolka Hiiraan, ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Yasooman ee Bariga gobolka Hiiraan.

Sida ay qortey warbaahinta dowladda Soomaaliya, Yasooman, ayaa kamid ah deegaanadii dhawaan ciidanku dowladdu kasoo baxeen, taasoo saraakiisha ciidanku ku sheegeen xeelad dagaal.

Ciidamada ayaa haatan baaris iyo miino saar ka wada gudaha magaalada.