October 2022
Macluumaad ku saabsan Qatar iyo u diyaargarowgeeda Koobka Adduunka.
Tirada shacabka ee dalka Qatar ayaa kor u kacday illaa 13.2% sannadkii la soo dhaafay, sida ay muujisay xog rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Qatar. Dalkan ayaa haatan isu diyaarinaya inuu martigeliyo koobka adduunka ee bilaaban doona bisha November ee foodda innagu soo haysa. Dalka Qatar ayaa sannadihii ugu dambeeyey wuxuu shaqaaleeyey kumanaan […]
Illaa 33,500 oo Tahriibe oo ka tagey xeebaha Faransiiska oo sannadkan gudihiisa gaaray Britian.
LILLE, FRANCE – In ka badan 360 tahriibayaal ah ayaa la badbaadiyey Axaddii, xilli ay isku dayayeen inay ka baxaan xeebaha woqooyi ee dalka Faransiiska iyaga oo u sii jeeday xeebaha koonfureed ee dalka Ingiriiska. Masuuliyiinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in tahriibayaashan la soo badbaadiyey ay ku safrayeen doomo yaryar. Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka […]
Liibiya: QM oo ku baaqday in la baadho, tahriibayaal dhintay ka dib markii la gubay doontii ay saarnaayeen.
TRIPOLI, LIIBIYA — Hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Liibiya ayaa Axaddii wuxuu cambaareeyey “dilkii ugu foosha xumaa” ee loo geysto 15 tahriibayaal ah oo ka dhacay meel u dhow xeebaha magaalada Sabratha ee dalka Liibiya, iyaga oo ku eedeeyey dilkaas inay ka dambeeyeen kooxaha mukhalasiinta ah ama dilaaliinta wax tahriibiya. Qaramada Midoobay ayaa dalbanaysa in […]
Darawalka dhabta ah!!!.
Haweenku waxa ey u baahan yihiin “licence” si ey u wadaan Gaadiidka kala duwan, Laakin uma baahno “licence” si ey Ragga u wadaan. Hore ayaa Hooyo yaraantaadii kuu soo diyaarisay oo magacyo ku qortay meesha Furaha lagaa galiyo, Marshada, Fariinka iyo Sheelaraha, walaashaana waxa ey arkeysay duruusta ey Hooyo Bixinee oo waxa ey iyaduna aheyd […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Uganda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab waxa uu la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray Guddiyada Adeegga Garsoorka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa.
MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala diray labada guddi ee kala ah Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay ansixisay dowladdii hore, isgaoo amray in la toosiyo hannaanka loo soo dhisay labada guddi. Labada guddi ayuu ansixiyey Aqalkii Hoose ee Baarlamaankii 10aad, waxaana saxiixay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshee […]
Wadahadaladii la filayey inay yeeshaan Ethiopia iyo TPLF oo dib u dhac ku yimid.
ADDIS ABABA, ETHIOPIA — Diblomaasiyiin kala duwan ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimi, wadahadaladii qorshaysnaa inay toddobaadkan dhammaadkiisa yeeshaan dawladda federaalka ah ee Ethiopia iyo kooxda TPLF, ee uu gadhwadeen ka ahaa ururka Midawga Afrika. Guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa ku casumay hoggaamiyayaasha labada dhinac inay yimaadaan dalka Koonfur Afrika, […]
Maxamed bin Salmaan oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay Joe Biden.
WASHINGTON — Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha. Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin […]
Xukun maanta lagu fuliyay Askari hore u dilay Talyihiisa.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheikh Hassan oo Hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye . Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu katirsanaa, balse isaga […]
Soomaaliya oo noqotay dalka keliya ee Muslim iyo Afrikan ah oo u codeeyay qabashada doodda xadgudubka Shiinaha ee musliminta Uyghur.
GENEVA — Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku guuldaraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka dambe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool. […]
