1 min read

Xukun maanta lagu fuliyay Askari hore u dilay Talyihiisa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheikh Hassan oo Hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye

.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu katirsanaa, balse isaga uu ku doodayay in xaquuqdiisii mushaarka uu waayay.

Xukunka lagu fuliyay Xidigle Cabdinaasir ayaa toddobaadka waxaa ku riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.