1 min read

Illaa 33,500 oo Tahriibe oo ka tagey xeebaha Faransiiska oo sannadkan gudihiisa gaaray Britian.

LILLE, FRANCE – In ka badan 360 tahriibayaal ah ayaa la badbaadiyey Axaddii, xilli ay isku dayayeen inay ka baxaan xeebaha woqooyi ee dalka Faransiiska iyaga oo u sii jeeday xeebaha koonfureed ee dalka Ingiriiska. Masuuliyiinta dalka Faransiiska ayaa sheegay in tahriibayaashan la soo badbaadiyey ay ku safrayeen doomo yaryar.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Faransiiska ayaa sameeyey hawlgallo kala duwan si ay u badbaadiyaan muhaajiriin ku dhibaataysnaa marin biyoodka u dhexeeya Faransiiska iyo Ingiriiska, sida laga soo xigtay masuuliyiinta ilaalada xeebaha ee Faransiiska.

Guud ahaan illaa 367 qof ayaa la geeyey dekedaha dalka Faransiiska ee kala ah Calais, Boulonge iyo Dunkirk.

Waxaa beryahan u dambeeyey sare u kacay dadka muhaajiriinta ah ee isaga kala tahriibaya Faransiiska iyo Ingiriiska, kuwaas oo doonaya inay ka gudbaan kanaalka u dhexeeya labad dal, iyaga oo isticmaalaya doomo yaryar oo macmal ah, haatanse ciidamada ilaalada xeebaha ee Faransiiska ayaa sheegaya inay kor u qaadeen ammaankii badda.

Marin-biyoodka u dhexeeya labadan dal ayaa ah, mid ka mida marinada badda ee ugu mashquulka badan caalamka, waxaana maalin walba isticmaala in ka badan 400 oo Markab.

Tan iyo bilawgii sannadkan, waxaa marin biyoodka u dhexeeya Faransiiska iyo Britain ka gudbay illaa 33,500 oo qof, kuwaas oo isticmaalay doomo yaryar.

AFP