1 min read

Darawalka dhabta ah!!!.

Haweenku waxa ey u baahan yihiin “licence”  si ey u wadaan Gaadiidka kala duwan, Laakin uma baahno “licence”  si ey Ragga u wadaan.


Hore ayaa Hooyo yaraantaadii kuu soo diyaarisay oo magacyo ku qortay meesha Furaha lagaa galiyo, Marshada, Fariinka iyo Sheelaraha,  walaashaana waxa ey arkeysay duruusta ey Hooyo Bixinee oo waxa ey iyaduna aheyd Kirishbooygii.
Laakin hadda waxaa yimid Haween wato “International licence” oo ka duwan kii laguugu barbaariyay iyo kuwo wato “Fake licence”, kuwaa oo sii badayay shilalkii Raggiina ka tuuray buundooyin, kuwaa oo  aan tixgalineyn Calaamadaha wadooyinka, Eeddaha shilkana dusha ka saaray Raggii. Gaarigu waa mid Hebad ah, Shidaalka, Olyada, dayactirka iyo Mushaarka Darawalka isla Ragga ayaa laga rabaa.

Haweenku waa Labo:
1.Haween wanaagsan, qadarin iyo xushmad leh, Diinteeda ku wanaagsan, Qaraabada xiriiriso, owlaadeeda si fiican u tarbiyeyso.
2. Tan labaad, Guryahiina iyo Xaafadahiina oo dhan  ayaa laga helaa.
Waddada ey nagu wadaan ma joogaan Gaadiidka “Traffic police” ee waxaa joogo Gaadiidka “Ambulance”.

Raggu waa ogolyahay Darawalka Isteerinka u hayo, laakin waa la wadaa Raggee intee loo wadaa? ( F.S: 1aad)

Qore: Yahya Amir