1 min read

Wadahadaladii la filayey inay yeeshaan Ethiopia iyo TPLF oo dib u dhac ku yimid.

ADDIS ABABA, ETHIOPIA — Diblomaasiyiin kala duwan ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimi, wadahadaladii qorshaysnaa inay toddobaadkan dhammaadkiisa yeeshaan dawladda federaalka ah ee Ethiopia iyo kooxda TPLF, ee uu gadhwadeen ka ahaa ururka Midawga Afrika.

Guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mohamat ayaa ku casumay hoggaamiyayaasha labada dhinac inay yimaadaan dalka Koonfur Afrika, halkaas oo la filayey inuu ka dhaco wadaxaajoodka labada dhinac, sida lagu sheegay warqad qarsoodi ah oo ay warbaahintu heshay.

Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa la qorsheeyey inuu dhexdhexaadiyo ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika Olusegun Obasanjo oo ay wehelinayaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Dawladda Ethiopia ayaa arbacadii sheegtay inay aqbashay martiqaadka, sidoo kale Kooxda Tigray ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qayb galaan dhexdhexaadinta, laakiin ay raadinayan inay xog badan ka helaan qabanqaabada shirka, dhinaca ammaanka iyo weliba doorka dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ah.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa VOA u sheegay in arrimaha keenay in wadahadalada dib loo riixo inay ka mid tahay, hawlaha qabanqaabada iyo weliba arrimo la xidhiidha hannaanka dhexdhexaadinta.