October 2022
Putin: Looma baahno in aan la kulmo Biden.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si cad u sheegay in uusan u baahnayn wadahadal uu la yeesho Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Xilli uu la hadlayay warbaahinta xilli uu booqasho ku jooday magaalada Astana ee dalka Khazakhstan, wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Biden […]
Wiilka madaxweynaha Uganda oo Twitter-ka soo dhigay qoraal kale oo hadal-heyn dhaliyay.
Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa mar kale qabsaday hadal-heynta baraha bulshada ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray farriin uu u dirayay haweenka. “Dumaroow fadlan isdejiya! Aniga waxaa la i qabsaday 23 sano ka hor, waxaana i qabsatay boqorad lagu magacaabo Charlotte. Murare gye!2 ayuu kusoo qoray […]
Madaxweynaha Kenya oo nin Soomaali ah u magacaabay madaxa waaxda dambi baarista.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baariska ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI. Amiin ayaa horay u ahaa madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha. DCI-da Kenya ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.
DFS: Waxaa socda kacdoon loogu aargudayo dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe.
Shan sano kadib ayay maanta ku beegan tahay markii uu dhacay qarixii isgoyska Soobe ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 600 oo qof, kumanaan kale ay ku dhaawacmeen. Gaari xamuul ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayuu qof ismiidaamiye ah oo katirsan kooxda Alshabaab isku qarxiyay isgoyska […]
Alshabaab oo dishay 6 qof oo ay ku eedeeysay inay basaasyihiin.
Kooxda Alshabaab ayaa fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ka geysatay xukun dil ah oo ay ku fulisay 6 nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Al-Shabaab ayaa sheegay inay dadkani basaasiin u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan. Ma ahan markii ugu horraysay oo Alshabaab ay dilaan dad ku eedeeyeen basaasnimo. Waxayse […]
Soomaali ka badbaaday doontii ku dagtay xeebaha Giriiga.
Matoorka burburay iyo mowjado sare ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u yihiin dhimashada ugu yaraan 18 tahriibayaal ah oo Soomaali ah oo ku sii jeeday Yurub oo ku safrayay xeebaha Giriiga usbuucii hore. Mustafa Faarax, oo 20-jir ah kamid ahaa dadkii ka badbaaday doonta, ayaa sheegay in ilaa 50 muhaajiriin ah ay ku safrayeen […]
Ficil kasta oo wanaagsan oo aad sameeyso, Qof kale ayaa xumaan u qaadanayo. =Nasashada Jimcaha.Q- 326=
1. Dabagaale ayaa u yimid Sagaaro 6 Saac Geed hoos fadhiday. Waxa uu ku yiri: Maxaa ku Hoos fadhiisiyay Geedkaan?. Waxa ey ku tiri: waxaan Sugaa Miraha Geedka ku yaal inta ey ka soo dhacayaan. Waxa uu ku yiri: Shukaansi kadib, Haddii aad iga Ballan qaado in aan is guursano. Anigaa Geedka korayo oo miraha […]
Ururrada saxaafadda oo shaki ka muujiyay eedaha loo heysto wariye Cabdalla Muumin
Waxaa shalay maxkamad magaalada Muqdisho ku taalla lasoo taagay Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka u dooda saxaafadda Soomaaliya ee SJS kaasoo saddex maalmood kahor xabsiga loo taxaabay. Waxaa loo soo jeediyay eedo la xiriira sharciga saxaafadda iyo kuwo la sheegay in ay dhinaca amaanka xiriir la leeyihiin. Wax go’aan ah lagama gaarin kiiskiisa, […]
Maxkamadda sare ee Maraykanka oo diiday codsi uga yimi Trump.
Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa goor dambe oo Khamiistii ah, waxay diidday dacwad uga timi madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaas oo maxkamadda sare ka dalbaday in khabiir madaxbanaani inuu baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, oo ay hay’adda FBI ay ka soo qaadday gurigiisa ku yaalla Florida. […]
Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii kale ee soo maray Soomaaliya=Faallo=
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay saacadihii ugu dambeeyay ee habeenkii Talaadada in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey. Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, […]
