1 min read

Maxkamadda sare ee Maraykanka oo diiday codsi uga yimi Trump.

Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa goor dambe oo Khamiistii ah, waxay diidday dacwad uga timi madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaas oo maxkamadda sare ka dalbaday in khabiir madaxbanaani inuu baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, oo ay hay’adda FBI ay ka soo qaadday gurigiisa ku yaalla Florida.

Garsoorayaasha maxkamadda sare oo soo saaray amar kooban, ayaa diiday codsigii uu Trump u maxkamadda sare u gudbiyey bishii October 4-teedii, kaas oo ku saabsanaa in meesha laga saaro amar ay soo saartay maxkamadda racfaanku, kaas oo dhigayey, inaan khabiirka madaxa banaani awood u lahayn, inuu baadho ama arki karo macluumaadka ku qoran in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, oo qayb ka ahaa ku dhowaad 11,000 oo waraaqood oo laga soo qaaday guriga madaxweynihii hore ee Trump, bishii August.

Garsoorayaasha maxkamadda sare oo ka kooban sagaal, ayaa saddex ka mid ah waxaa magcaabay madaxweyne Trump intii uu xafiiska joogay.

Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa si weyn uga hortimi in khabiir madax banaani inuu eegi karo ama baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah.

Reuters