1 min read

Ururrada saxaafadda oo shaki ka muujiyay eedaha loo heysto wariye Cabdalla Muumin

Waxaa shalay maxkamad magaalada Muqdisho ku taalla lasoo taagay Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka u dooda saxaafadda Soomaaliya ee SJS kaasoo saddex maalmood kahor xabsiga loo taxaabay.

Waxaa loo soo jeediyay eedo la xiriira sharciga saxaafadda iyo kuwo la sheegay in ay dhinaca amaanka xiriir la leeyihiin.

Wax go’aan ah lagama gaarin kiiskiisa, waxaana dib loogu celiyay xabsiga kadib markii maxkamaddu ay dalbatay in caddeymo dheeraad lasoo raaciyo edaha loo jeediyay.