5 mins read

Ficil kasta oo wanaagsan oo aad sameeyso, Qof kale ayaa xumaan u qaadanayo. =Nasashada Jimcaha.Q- 326=

1. Dabagaale ayaa u yimid Sagaaro 6 Saac Geed hoos fadhiday. Waxa uu ku yiri: Maxaa ku Hoos fadhiisiyay Geedkaan?. Waxa ey ku tiri: waxaan Sugaa Miraha Geedka ku yaal inta ey ka soo dhacayaan. Waxa uu ku yiri: Shukaansi kadib, Haddii aad iga Ballan qaado in aan is guursano. Anigaa Geedka korayo oo miraha kuu soo gurayo. Waxa ey ku tiri: waa Ballan. Waxaa uu yiri: wax yar i sug waan isa soo diyaarinaa.


Intii uu sii maqnaa ayaa waxaa u yimid Maroodi oo Shukaansi ku bilaabay, waxa ey ku tiri: waxaan ahay Xaas, uunreeys ayaana sugayaa oo mirahaan ii soo gurayo. Maroodigii Gacantiisii dheereed ayuu Geedkii ku soo duubay oo Ruxruxay,
Mirihii oo dhan ayaana soo daatay. Waxa ey ku tiri: Adigaan ku aroosaa.
Dabagaalihii ayaa yimid: markii sheekadii loo sheegay ayuu Qosol la dhacay kuna yiri:  waxaan la yaabanahay ” Gudihii Sagaaro iyo geedkii Maroodi sida la isku gali doono” ( F.S: 1- 3aad)

( Si Dollar Geed looga soo daadiyo,  Wadankaan wax aan is galeeyn maxaa  la Guuriyay !!!).

2. Axmadeey ayaa Saaxiibtii  ku yiri: Hore ballan ayaan u leheyn waadna i jecleyd. Hadda maxaad igu nacday oo aad xiriirkeenii u jartay.
Waxa ey tiri: Markii hore waxaan kuu maleynayay in aad tahay “Damul jadiid” waxaan is lahaa amaa xil loo magacaabaa.

( Ar Gabdhoow, Siyaasadda iyo Jaceylka kala saara. Ina Raggow Adiguna mustaqbalkaaga, Siyaasad Somaliyeed ha ku xirin)

3. Sidii oo Afgoi Degan ayaa kula heshiiyay Gabar Reer Gaalkacyo ah in uu Reerkeeda ka doonto. Gabadha Aabaheed ayaa ku  xiray in uu Bixiyo 10 Faras, Habeenka Arooskana uu qalo 20 Ari ah. Si loo aaminana in uu soo diro Sawirka mid ka mid ah Fardaha iyo Ariga. Waana u diray Sawiradii.Odaygii ayaa Afgoi yimid. Markii Gabdhii la mehriyay ayuu Sidii Casho u keenay Hilib Dooro oo weel ka buuxu, iyo 10 Rah oo Baaldi Biyo ah ku dhax jiro, waxa uuna yiri: Ballantii waan fuliyay.vOdaygii oo Careeysan ayaa ku yiri: kuwii aad Sawirkooda ii soo diraty Sidaan ma aheyn.
Siidii ayaa ku yiri: Sodogeeyoow Sawirka dhinaca kale u rog. ( F.S: 4 & 5aad)

( Maxaa Xildhibaano dheexaa ey ku yiriheen, Ergadii soo dooratay, Sawirka dhinaca kale u roga)

4. Wadaad Suufi ahaa iyo Mid Wahaabi ahaa oo wada socdo ayaa waxa ey arkeen Naag Qaawan oo Wabiga ku dhax hafaneyso, Nafteeduna ey khatar ku jirto.Suufigii ayaa Wabigii isku tuuray Naagtii ayuuna ka soo Badbaadiyay Wabigii. Markii uu banaanka keenay ayuu isaga dhaqaaqay. Wahaabigii ayaa yiri: War Nin Wadaad ah ayaad aheyd ee Naagta qaawan maxaa kuu geeyay in aad Jirkeeda Taabato?. Waxa Suufigii ku yiri:  waxaan badbaadinayay Naf Beni aadan, Damacna igama galin. Markii ey socdeen  Labo Maalin ayaa mar kale Wahaabigii ku yiri: Maxaad u tabatay Naagta qaawan Jirkeeda. Suufigii ayaa yiri: waanba iska hilmaamay sheekadaa oo wardi ayaan galay, ee Adigu ilaa wakhtigaa maxaad ugu fikireysay Naagta qaawan jirkeeda taa ayaaba Dambi ah.

( ficil kasta oo wanaagsan oo aad sameeyso, Qof kale ayaa xumaan u qaadanayo oo muddo isku mashquulinayo si uu Adiga ceeb kuugu raadiyo)

5. Muriidi oo Reer Xamar weyne ahaa ayaa yiri: Waxaan soo iibsanayaa Qori AK 47 ah. Waxa uu tagay Suuqa Cir toogte ee lagu iibiyo Qoryaha. Waxa uu iibsaday Qoray, waxa uu yiri: aan iska  tijaabiyo. Laba Xabadood oo tijaabo ah ayuu kor u riday.

Muriidi ayaa yiri: Qoragu waa fiican yahay waana dhacayaa, Laakin Xoogaa Codkiisa iga gaabi. “Low Volume” ka dhig Nooh. ( F.S: 6aad)

( Dad ayaa Codsanayo in Siyaasadda Codkeeda la gaabiyo oo ” Low Volume” laga dhigo oo aan cidna lala wadaagin)

6. Wiil ayaa soo galay Bar Dad badan ey fadhiyaan, waxa uu u tagay Gabar kaliyeed meel Gooni ah fadhido. Si tartiib ah oo naxariis leh ayuu  ku yiri: Abaay ma kula fadhiisa karaa?
Gabadhii Cod dheer ayeey iyada oo qeylinee ku tiri: war sharmuud yohoow ma Anigaad i leedahay Caawa ila seexo, waxaan ku siinaa 300 Dollar. Dadkii ayaa soo wada fiiriyay, Wiilkii Ceeb iyo Nabyo ayaa ku dhacday. Kursi gees ah ayuu iska fadhiistay.
Xoogaa kadib Gabadhii ayaa u timid oo ku tiri: iga raali ahaaw, waxaan ahay Ardayad barato Cilmi nafsiga “psychology”, waxaan rabay oo kaliya in aan ogaado marka lagu nabo oo Dadka hortiisa laguugu ceebeeyo sida Shucuurtaada iyo Wajigaagu isku bedelayaan. Wiilkii ayaa kor u qeeyliyay oo yiri: ma rabo, ma rabo, ma waxaad i leedahay iiga dhig 500 Dollar caawa oo dhan ayaan kula jiifanaa, waxaad rabto ayaan kuu sameeynayaa. Anigu 300 Dollar ka badan ma heeysto ee iga tag. Dadkii oo dhan ayaa soo fiiriyay Gabadhii iyaga oo u qaatay in  Gabadhaani ey  Baarka u timid in ey jirkeeda ka ganacsato.

Wiilkii ayaa si hoose Gabadhii ugu yiri: Aniguna waxaan ahay Qoreen bartay Sharciga waan aqaan sida Eedda la ii soo jeediyo aan dhinaca kale ugu rogo.( F.S: 7aad)

( Ogoow Cilmiga aad baratay, haddii aad u isticmaasho si khaldan, mid kale ayaa bartay sida la isaga kaa difaaco. Mar kastana Aragtida Cilmi nafsigu ma ahan mid 100% Sax ah. Tusaale, Cilmi nafsigu waxa uu qabaa on Ragga guursado Haweenka ka Da’da weyn, Badanaa waa kuwa iyaga oo yar yar ey Hooyadood dhimatay ama aan helin xanaano Hooyo, oo tan ka Da’da weyn ka raadinaa, Xanaanadii Hooya la’aanta ee yaraantiisii uu waayay badalkeeda in uu ka helo Haweentaan ka Da’da weyn).

Qore: Yahya Amir