3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 325= War Xildhibaanada qaar yaa ka dhigay Dibi=

1. Nin u sheekeeynayay Odayaal ayaa yiri: Waan Galiyay, Kadibna weey u adkeysan weyday, waan ku sii riixay, wey ooyday, Dhiig yar ayaa ka yimid, waxa ey igu tiri: Adeer Tartiib ii gali.

Waxaa lagu yiri: War Nin weyn ayaad tahay ee waa maxaay waxa aad ka sheekeynee?. Waxa uu yiri: waxaan ahay Dhakhtar, waxa aan idiinkaga sheekeeynayay Gabar yar oo aan durayay oo Cirbadda lagu durayo diideysay.( F.S: 1aad).

( Siyaasiyoow, kuwa kaa hor muuqdo, waxay kuu sheegaan oo kaliya sax ma ahan ee dhinaca kale fiiri. Go’aanka ha ku deg degin weligaa.

Dhinaca kale u gadi Mobel kaaga, si aad u ogaato xaqiiqda). ( F.S: 2 & 3aad).

Mar kale Si fiican u fiiri waxa kaaga muuqdo Sawirka, wax duwan waxa kuu muuqdo ayaad ku arki kartaa ( F.S: 4-7aad). Siyaasiyoow indhahaaga fur, waxa kuu muuqdo iyo waxa ey kuu sheegayaan kuwa kula joogo, si kalena waa noqon karaan)

2. Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa lagu yiri: Afgoye Dadkaa lagu Sixraa, waxaa lagaa dhigayaa Dibi ordayo oo Beeraha lagu fasho.

Waxaa uu yiri: war Hadaad Aragtaan, Dibi Fanax leh, oo Lugta Bidix dhaawac hore uga yaal, waa Aniga.( F.S: 8aad).

(War Xildhibaanada qaar yaa ka dhigay Dibi)

3. Cabdulle oo Gaari dameerkiisii wato ayaa waxaa ka hor yimid Warfaa oo Deriskiisa ahaa. Isaga oo Dulminayo ayuu ku yiri: War Cabduloow, Maanta ka waran hadaan Adiga aan ku garan waayay markaad Gaari Dameerkaaga saarneyd oo aan gartay Dameerkaaga.

Cabdulle ma xanaaqin, si degan ayuu u yiri: waa runtaa, Dameeruhu iyagaa is aqoonsado. ( F.S: 9aad).

(Dulmiloow ha ka xanaaqin ee si degan ugu jawaab)

4. Nin Reer Burco ah ayaa markii ugu horeysay Xamar yimid. Waxa uu soo Raacay Bus PL ah. Sida caadadu aheyd Kirish booygii ayaa Dadka u naadiyay meesha la marayo. Waxa uuna yiri: Qabuuraha Barakaat ayaa la joogaa ee yaa degayo. Xoogaa kadib waxaa uu yiri: yaa ku degayo Qubuuraha Janaraal Daa’uud ayaa la joogaa. wax yar kadib ayuu hadana yiri: waxaan Ku leexayneynaa Waddada Qabuuraha Macallin Nur.

Kii Reer Burco ahaa inta uu naxay ayuu yiri: War jooji Gaariga Aakhiro in u socdo ayaan u maleeynayaa, malaha Reer Aakhiraad soo fasax tagay ayaa ila saarn Gaariga.( F.S: 10aad).

(Sanadahaan dambe, Xamar isagaaba wada Qubuuro ah, Xaafad iyo Luuq aan wax lagu duugin waa yar yihiin).

5. Wiil ayaa wacay Gabar Saaxibtii aheyd, waxa uuna ku yiri: Babe xageed Joogtaa?. Waxa ey ku tiri: Xabiibi, Aabe iima ogolo in aan soo lugeeyo, waxaa i soo qaaday Darawalkeygii ii gaarka ahaa, Hadda waxaan joogaa Super Market-ka weyn, waxaan sameeysanayay Xoogaa Shopping ah.

Waxa ey ku tiri: Xabiibii Adiguna indeed Joogtaa?. Waxa uu ku yiri: Babe, Bus-ka aad Saaran tahay Kursiga ugu dambeeyo ayaan Fadhiyaa, Lacagtii Bus-kana Anigaa bixiyay ee ha iska dhiibin.( F.S: 11aad).

(Gabartu Been Badanaa, ma Siyaasi Somaliyeed oo kursi rabaa, in Beenta la isaga daba tagayo ma ogo miyaa?).

6. Mid Cabtooy ahaa oo ma soome ahaa, ayaa lagu yiri: Sideed jeclaan lehayd in Soonka laga dhigo. Waxaa uu yiri: waxaan Jeclaa lahaa in Sida Koobka Ciyaaraha Aduunka oo kale 4tii Sanaba mar la soomo, kadibna ey Somalidu isaga harto.

(Mid Madaxweyne Maamul Gobaleed sheeganayay ayaa ku yiri: War 4 Sano waa yar tahay ee maad Muddada Soon dib u dhigidda, in la sii kordhiyo aad Dalbatid oo Sanad aad ku dartid).

Qore: Yahya Amir