1 min read

Al-Shabaab oo joojisay dhismayaal ka socday Muqdisho Iyo Dowladda oo si Kulul ugu jawaabtay.

Ururka Al-Shabaab ayaa joojisay dhismayaal ka socday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, iyadoo milkiilayaasha iska leh dhismayaashaasi ku amartay iney hakiyaan shaqada, sida xogaha la helayo ay muujinayaan.

Axmed Macallim Fiqi Wasiir Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta  oo shir jaraa’id ka qabtay dadka dhismayaal ka socday Muqdisho u istaajiyey amarro ka yimid Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fareyso milkiileyaasha dhismayaashaas, in la qaato amarka Al-shabaab uu ka tarjumayo in ay tahay arrin dambi ah.

“Cunug xun ama kooxda argigixisada qof ka tirsan oo isaguba dhuumaaleysi kujooga duurarka in amarkiisa la qaato, loona ciqaabo dadkii xoogsatada ahaa, runtii arrintaasi waxaa ay muujineysaa arrin aysan dowladda u dulqaadaneynin in ay tahay” ayui yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu milkiilayaasha goobahaasi ganacsi faray iney deg deg u shaqa bilaabaan, isagoo sheegay in dowladda ay talaabo adag ka waadi doonto cidii aan u hagaansamin awaamirteeda ee mida Shabaab qaadato.

“waxaan fareynaa in la fasaxo dhammaaan dhismeyaasha, oo ay bartoodii ka wataan, ciidamadu ammaanku ay tallaabo ku haboon ay ka qaadi doonaan kooxaha argigixisada ah, cid kasta oo amarka dowladda fulin weydana waxaa laga qaadaa tallaabo sharci ah” ayuu hadalkiisa kusii daray.