1 min read

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shirka golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas ka dhan ka ah argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, dowladnimada iyo madaxbannaanida dalka.