1 min read

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu diley deegaanka Basra.

Ciidamada Dowladda ee isugu jira Nabad Sugida iyo Booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa weli howgallo.

Ciidamada ayaa sheegay in howgalladii u dambeeyay ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya sagaal ruux.

“Ciidanka NISA iyo Kuwa Haram-cad ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey Tuulooyin hoos-taga deegaanka Basra, halkaasi oo ay ku dileen 9 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada” ayaa lagu yiri war kooban oo lagu daabacay Warbaahinta Ciidamada.