20 May, 2024
1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay dhambaal uga yimid Madaxweynaha Aljeeriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria  Maxamed Buu Saleymaani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Al-geria Mudane Cabdulmajiid Tamuun. Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Mudane Maxamed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isaga oo muujiyey dareen […]

1 min read

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo qaraxyadii dhacay ku eedeeyay Booliska iyo Nabadsugidda

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa ku eedeeyey taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska iney kasoo bixi waayeen hawshii loo igmadey ee aheyd xuuraanka iyo soo gudbinta siraha, si loogga hortago dhibaato dhici rabta. Jayte oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku dhuftay in isagu uu in muddo […]

1 min read

Madaxweynaha Uganda oo war ka soo saaray hadalkii wiilkiisa ee ku saabsanaa qabsashada Kenya iyo sababta uu u dalacsiiyay.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay qoraallada uu wiilkiisa soo dhigay Twitter-ka ee ku saabsan waddanka deriska la ah ee Kenya. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu u dallacsiiyay wiilkiisa oo horay u ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee Uganda. Dhambaal uu Museveni soo boggiisa internet-ka ayuu ku yiri: Muwaadiniinta Uganda, […]

2 mins read

Midowga Afrika oo wada hadal siinaya dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Ururka Midowga Afrika ayaa u gudbiyay casuumaad dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray-ga wada-hadallo nabadeed, oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka sokeeye oo laba sano ka socda dalkaasi. Wada hadallada ayaa la qorsheeyay in dhamaadka toddobaadkan ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaasi qortay. […]

1 min read

Dowladda Uganda oo xaqiijisay in Ebola uu u dhintay ruuxii saddexaad.

Wasaaradda caafimaadka Uganda, ayaa xaqiijisay geerida shaqaale kale oo caafimaad oo ahaa sarkaal qaabilsan dhanka suuxinta, kaasoo u dhintay cudurka Ebola saacadihii hore ee maanta oo Arbacada ah. Margaret Nabisubi, oo 58 jir ah, ayaa ah shaqaalihii afraad ee u dhimata cudurka Ebola, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee Uganda, Jane Ruth Aceng. Koox dhakhaatiir […]

1 min read

Dab xalay khasaare weyn u geystay suuqa weyn ee Kismaayo.

Dab xooggan oo khasaare lixaad leh gaystay, ayaa xalay bururiyay qeyb kamid ah suuqa wayn ee magaalada Kismaayo. Dabka oo damintiisu ay saacado qaadatay, ayaa cagta-mariyay ku dhawaad 4km oo isku wareeg ah. Hanti badan ayaa halkaasi ku bas beeshay, sida uu BBCda u sheegay gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga ee Jubaland-na. Dabkan ayaa waxa […]

1 min read

Dowladda Itoobiya oo aqbashay wadahadal nabadeed oo ay la gasho TPLF.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein. “Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadkan wadahadallada nabadda kaas oo waafaqsan mawqifkayaga mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan […]

1 min read

Wiilka Museveni oo General loo dallacsiiyay kadib markii uu ku hanjabay inuu qabsan doono Kenya.

KAMPALA — Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa loo dalacsiiyay Jeneraal, sida uu Talaadadii ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Uganda. Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa maalin kadib markii Kainerugaba uu soo dhigay qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay duullaanka uu ku qaaday dalka Talyaaniga iyo dalka Kenya ee deriska la ah. Waxa uu […]

1 min read

Guterres oo cambaareeyay weerarradii Al-Shabaab ee Beledweyne.

NEW YORK — Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Al-shabaab ee magaalada Bedelweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 22 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacan tahay. Afhayeenka Xoghayaha Guudd Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada […]