1 min read

Dab xalay khasaare weyn u geystay suuqa weyn ee Kismaayo.

Dab xooggan oo khasaare lixaad leh gaystay, ayaa xalay bururiyay qeyb kamid ah suuqa wayn ee magaalada Kismaayo.

Dabka oo damintiisu ay saacado qaadatay, ayaa cagta-mariyay ku dhawaad 4km oo isku wareeg ah.

Hanti badan ayaa halkaasi ku bas beeshay, sida uu BBCda u sheegay gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga ee Jubaland-na.

Dabkan ayaa waxa uu ka kacay matoor shidaal loogga gadinayay booyad.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku tilmaamay dabkani sida uu uga xunyahay dhibka soo gaaray ganacsatada hantidooda ku waayay dabka.