1 min read

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo qaraxyadii dhacay ku eedeeyay Booliska iyo Nabadsugidda

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa ku eedeeyey taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska iney kasoo bixi waayeen hawshii loo igmadey ee aheyd xuuraanka iyo soo gudbinta siraha, si loogga hortago dhibaato dhici rabta.

Jayte oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku dhuftay in isagu uu in muddo ah duurka ku jiray, si uu ula dagaalamo Alshabaab, laakiin aanu garaneyn waxa taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska ee qeybta ay qabanayeen marka weerarka is qarxinta Beledweyne lagu soo qaadayay.

Magaalada Beledweyne ayaa Isniintii lasoo dhaafey waxaa ka dhacey weerarro is xig-xigay oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah.

Wuxuu ka codsadey dowladda Soomaaliya in labada taliyeyaasha qeybta ee booliiska iyo nabad sugidda ay ku sameyso baaritaan, maadaama ay dayaceen mas’uuliyaddii loo soo igmadey.

Sidoo kale guddoomiye Cali Jeyte ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in gargaar bani’aadannimo laga gaaro shacabka ku nool deegaannada gobolka Hiiraan ee dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Dhanka kale, taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan, ayaa ku gacan seyray eedeynta guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ee ah in isaga iyo taliyaha qeybta nabad-sugidda gobolka ay ku guul-darreysteen ka hortagista qaraxyadii isniintii ka dhacay magaalada Beledweyne.

Isaaq Cali Cabdullaahi, taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan, ayaa dhankiisa ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka inuusan qaadan talooyinka dhanka ammaanka ah ee ay booliisku soo jeediyeen.