20 May, 2024
1 min read

Madaxweynaha Uganda oo wiilkiisa laga qaaday taliyaha ciidamada dhulka.

Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa laga qaaday xilkii uu hayay ee ahaa taliyaha ciidamada dhulka. Hase yeeshee, waxaa loo dallacsiiyay darajada Janaraal buuxa, oo ah heerka ugu sarreeya ee laga gaaro militeriga dalka Uganda. Waxa uu sidoo kale sii ahaan doonaa la-taliyaha madaxweynaha ee howlgallada khaaska ah. Janaraal […]

1 min read

Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii shalay ka dhacay Balad Weyne.

Magaalada Balad Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa wali waxaa ka socda hawlgal lagu baadi goobayo dad la la’aa tan iyo shaley, kuwaasoo loo maleynayo iney ku dumeen dhismayaashii ku burburey qaraxyadii saddexda ahaa ee magaaladaasi gilgilay. Saaka dhismaha hoose ee dowladda, ayaa waxaa laga helay meydka aggaasimihii waaxda dhulka ee dowladda hoose ee magaalada […]

1 min read

Dowladda Uganda oo ka hadashay hadalkii ka soo yeeray wiilka Museveni.

Dowladda Uganda ayaa iska fogeysay qoraallada uu soo dhigay bartiisa Twitter-kawiilka madaxweynaha. Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda, ayaa soo saartey qoraal ay dowladda Uganda isaga bari yeelaysohadal kasoo baxay Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, kaasoo ahwiil uu dhalay madaxweynaha, oo ku kaftamay duulaan dalka Kenya lagu qaado, oo uu kusoo qoray bartiisa twitter-ka. “Waxaan aad u qadarineynaa […]

1 min read

Jubaland oo billowday olole lagu badbaadinayo degaanka.

KISMAAYO — Wasaaradda deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa waayadii dambe wadday olole ballaaran oo bulshada looga wacyi galinayo ka hortaga jarista dhirta si looga hortago nabaadguur ku yimaada deeganka iyo isbadalka cimilada deegaanka. Maamulka ayaa dhowrjeer oo horey sharciga horgeeyay dad lagu eedeeyay in ay ku mashquulsanaayeen jarista dhirta iyo geedaha. Dhinaca kale, maamulka ayaa billaabay […]

2 mins read

Google, Twitter iyo Facebook oo loo haysto eedo argagixiso.

WASHINGTON — Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay Isniintii inay dhegaysan doonto laba dacwadood oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha isgaarsiinta bulshada. Facebook, Google iyo Twitter ayaa lagu eedeeyey inay qayb ku lahaayeen mas’uuliyadda weeraro argagixiso oo la qaaday, waxaana kooxda dacwoonaysaa ay doonayaan in shirkadahan lagu xukumo inay magdhaw […]

1 min read

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay Yasooman.

Ciidanka Soomaaliya iyodadka deegaanka gobolka Hiiraan, ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Yasooman ee Bariga gobolka Hiiraan. Sida ay qortey warbaahinta dowladda Soomaaliya, Yasooman, ayaa kamid ah deegaanadii dhawaan ciidanku dowladdu kasoo baxeen, taasoo saraakiisha ciidanku ku sheegeen xeelad dagaal. Ciidamada ayaa haatan baaris iyo miino saar ka wada gudaha magaalada.