1 min read

Dowaladda Soomaaliya oo ka hadashay Soomaalida uu Mareykanka ku daray liiska argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda Al Shabab.

Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la faray inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

Qoraal lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiriye muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

Dhammaan dadkan ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay ka tirsan yihiin argagxisada iyadoo loo cuskanayo qaraarka Fulinta (E.O.) 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.

Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:

• ABDULLAHI JEERI– oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab

• KHALIF ADALE– oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn

• HASSAN AFGOOYE–oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.

• ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE– oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate

• ABDI SAMAD –oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.

• ABDIRAHMAN NUREY– oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay

• Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin:Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas.