1 min read

RW. Soomaaliya oo gaaray Jigjiga.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana halkaaskusoo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cumar iyo masโ€™uuliyiin kale.

Lama ogo sababta ka dambeysay booqashada Raโ€™iisul Wasaaraha ee Jigjiga.

Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Itoobiya wuxuu halkaas kaga qeybgalay madasha Tana oo looga hadlayay amniga qaaradda.