3 mins read

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shabakad maaliyadda iyo hubka u qaabilsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shabakaddan ay qaabislan tahay soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee Al-Shabaab.

Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, Brian Nelson ayaa yiri “Waaxda Maaliyadda waxay diiradda saareysaa aqoonsiga iyo carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah ee Al-Shabaab ee ka hawlgalla Bariga Afrika.”

Waan sii wadi doonnaa inaan qaadno tallaabo ka dhan ah soo-gelinta hubka sharci-darrada ah iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida,” ayuu yiri.

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maal-geliso dadaallada al-Qaacida ee caalamka iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay sanadkii soo xareyo dakhli dhan 100 milyan oo dollar oo ay ka hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

Shaqsiyaadka xayiraadaha lagu soo rogay ayaa kala ah:

ABDULLAHI JEERI: Abdullahi Jeeri (Jeeri) waa madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxda hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibedda, gaar ahaan dalka Yemen.

Wuxuu sidoo kale isku xiraa Al-Shabaab iyo ganacsiyada gudaha Soomaaliya, wuxuuna soo ururiyaa canshuurta ay kooxda soo rogto.

KHALIF ADALE: Khalif Adale (Adale) waxa uu Al-Shabaab u qaabilsan yahay lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn NGOs, wuxuuna si toos ah ugu warramaa Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye.

HASSAN AFGOOYE: 
Mareykanka ayaa $5 milyan dul dhigay madaxa Afgooye, taasi oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Hassan Afgooye oo ah hoggaamiye muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afgooye waxa uu maamulaa shabakad maaliyadeed oo qaabilsan soo ururinta ay qaadaan . Wuxuu horey usoo noqday madaxa Waaxda Maaliyadda Al-Shabaab.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE: Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale) waxa uu ahaan jiray ku-xigeenka madaxa Maaliyadda ee Al-Shabaab markii uu xukumayey Mahad Karate.

ABDI SAMAD: Abdi Samad (Samad) wuxuu ku dhow yahay Golaha Hoggaanka Sare ee Al-Shabaab, wuxuuna howl daba-gal iyo cilmi-baaris ah u sameeyey Ururkq Al-Shabaab.

ABDIRAHMAN NUREY: Abdirahman Nurey (Nurey) wuxuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay isku xirka kooxda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, wuxuuna kala wareejiyaa lacagta kooxda ee ay soo uruuriso oo uu ku wareejiyo madaxda sare.

Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale xayiraado kusoo rogtay shaqsiyaadka Al-Shabaab u qaabilsan soo iibinta hubka kuwaas oo kala ah: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas).

Xayiraadda Waaxda Maaliyadda ayaa macnaheedu yahay in laga billaabo maanta la xanibay dhammaan hantida shaqsiyaadkan iyo wax kasta oo ay leeyihiin oo yaalla Mareykanka ama ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad Mareykan ah.

Waxaa intaas dheer, in la mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkaas ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo, waxaana tallaabadaan weli ka hadlin dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Xigasho:VOASomali