1 min read

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka golaha guud ee QM oo galay maalintii labaad.

Shirweynaha sanad-laha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii shalay si rasmi ah uga furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.


Madaxdi ka hadashay maalinti furitaanka ayaa khudbadahooda xoogga ku saaray xasaradaha sii baahaya ee dunida, dagaalka Ruushka iyo Ukraine, colaadda Israel iyo Falastiin, sicir-bararka saameeyay nolosha guud ahaan dadyowga caalamka, isbeddalka cimilada, cunsuriyadda iyo naceybka iyo qodobbo kale.


Duullaanka lix-bil jirsaday ee uu Rushka ku qaaday Ukraine, khatarta ka dhalatay iyo cawaaqibka ka iman kara mustaqbalka ayay isaga mid ahaayeen hogaamiyaasha ka hadlay shirka.


Ukraine iyo Ruushka midna kama aysan hadli maalintii furitaanka shirweynaha Golaha Guud ee QM. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa lagu wadaa inuu muuqaalka fogaan aragga uu ku jeediyo khudbaddiisa Arbacada maanta ah.

Madaxda waddamada maanta ka hadli doona shirka waxaa ka mid ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweynaha Kenya William Ruto, hoggaamiyeyaasha dalalka Britain, Iran, Nigeria, iyo Ghana iyo sidoo kale dalal kale oo dhowr ah.