1 min read

Ruushka oo sheegay in uu howlgelinayo boqolaal kun oo askari oo keyd u ahaa.

Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka Sergey Shoigu ayaa xaqiijiyay in tallaabada qeyb ahaan ciidamada heeganka lagu gelinayo ay saameyn doonto ciidamada militeriga ee howlgabka ah.

Wuxuu sheegay in 300,000 oo cidanka keydka ah in la howlgelinayo.

Sergey Shoigu ayaa kasoo muuqday wareysi laga qaaday oo laga baahiyay warbaahinta dowladda.