2 mins read

Madaxweynaha Soomaaliya oo laba qodob la hortagi doono shirka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mareykanka u tagaya inuu ka qeyb galo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday bishii May ee sanadkan.

Madaxweynuhu wuxuu ka qeybgeli doona meertada 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo sanad kasta la qabto bisha Sebteember, sida ay shaacisay madaxytooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada waxay xustay in kulankaas looga arrinsan doono yareynta saboolnimada iyo xasillooni-darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo-abuurka dhallinyarada, xal-u-helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee la xiriirta la-dagaallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka,” ayay tiri madaxtooyada.

Waxaa kale oo madaxtooyadu ay intaa ku dartay in madaxweynaha uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka qayb galaya shirka “si uu u adkeeyo doorka [Soomaaliya] ee fagaareyaasha caalamiga ah”.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu booqan doono xarunta Pentagon 12:30 duhurnimo ee xilliga Bariga Maraykanka oo ku beegan 7da fiidnimo ee Afrikada Bari.

Waaxdu waxay tilmaantay in Xoghayaha Gaashaandhigga ee Mareykanka, Lloyd Austin uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhoweyn doono xarunta Pentagon, iyagoo yeelan doona kulan labo-geesood ah.

Ilaa hadda lama shaacin qorshaha socdaalka madaxweyne Xasan iyo kulamada uu yeelan doono, madaxtooyada Soomaaliyana kama aysan hadlin. 

Sarkaal sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan wuxuu BBC u sheegay in madaxweynuhu uu Khamiista oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka Sebteembar khudbad u jeedin doono fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay haystaan xilligan labo arrin oo uu ku tilmaamay abaaraha iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, kuwaas oo uu sarkaalku tilmaamay in madaxweynuhu uu khudbadda ku soo qaadi doono.

Shalay ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka tegey magaalada Nairobi, halkaasoo uu kaga qayb galay caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo dhacay Talaadadii.

Kulan shalay dhex maray labada madaxweyne ayay iskula soo qaadeen arrimo ay ku jiraan xiriirka labada dal, arrimaha ganacsiga iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore u dhex maray labada dhinac ee ganacsiga iyo isu-socodka dadka.