1 min read

Qiimaha shidaalka ee Kenya oo cirka isku shareerey.

Qiimaha shidaalka ee dalka Kenya, ayaa sare ugu kacay heerkii ugu sareeyay, kadib markii ay dowlada qeyb kamid ah kabkii ay bixin jirtgay meesha ka saartay, taasi oo dadka iibsada ee macaamiisha ah ku keentay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Hey’adda maareynta tamarta, ayaa sheegtay goor dambe oo habeenkii Arbacada aheyd, inay meesha ka saartey kabistii shidaalka, iyadoo ay sii wadi doonaan kabitaanka yar ee ay ku bixiyaan Naaftada iyo Gaaska.

Qiimaha cusub, ee shidaalka – oo u badan kuwa ay isticmaalaan gaadiidleyda gaarka ah – ayaa waxa uu hadda qiimihiisu noqonayaa 179 shilin ($1.5; £1.3) liitirkii, halka naaftada, oo gaadiidleyda dadweynaha iyo warshadaha ay isticmaalaan ay magaalada caasimadda ka noqonayaan 165 shilin.

Gaaska oo inta badan ay qoysaska danyarta ah u isticmaalaan cunto karinta iyo nalalka, ayaa waxa uu noqonayaa 148 shilin liitirkii.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne, William Ruto, uu khudbadiisii ​​u horeysay markii uu xilka la wareegay ku sheegay in maamulkiisu uu meesha ka saari doono kabka shidaalka iyo cunnada, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dowladda galiso kharashaad badan, ayna tahay tallaabo aan aad looggu fiirsan.

Dhanka kale waxaa jira walaac laga qabo in gabi ahaanba meesha laga saaro waxyaabaha la kabo, oo ay dhaqaalaha ku keeni doonto culeys adag, maadaama qiimaha shidaalku uu si toos ah u saameyn doono qeybaha kala duwan ee nolosha.