1 min read

Milateriga Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabab laga xoreeyey 20 tuulo.

MUQDISHO, SOOMAALIYA — Ciidamada milateriga ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarada ka socda gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya in lagu qabsaday illaa 20 tuulo oo gacanta ugu jiray ururka Al-Shabaab.

Kabtan Maxamed Ibraahin Daa’uud oo ah taliye ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay Isniintii, in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanka oo hubaysan oo is kaashanaya inay dileen in ka badan 100 dagaal yahan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kalena ay xoreeyeen illaa 20 tuulo oo ay gacanta ku hayeen ururka al-Shabaab ee xidhiidhka la leh al-Qaacida.

Xasan Sheekh

Taliyaha ayaa sheegay in tuulooyinka ay dib ula wareegeen ay ku jiraan, dhawr goobood oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan, sida magaalada Fido woo u dhow xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia.

Taliye Maxamed ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 20 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab. Wuxuu qiray in ciidamadu ay heleen taageero dhinaca cirka ah, xilliyadii ay socdeen hawlgallada, hase ahaatee ma magcaabin dalka taageerada cirka ah u fidiyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladani ay hordhac u yihiin tallaabooyin lagu hirgelinayo aragtida dawladda eek u aaddan la dagaalanka argagixisada iyo sidii al-Shabaab looga sifayn lahaa guud ahaan dalka.