1 min read

Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Qoor qoor.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa wax ka badal ku sameeyay xil haynta Hay’addaha Baarlamaanka iyo fulinta maamulkaasi.

Tillaabadani ayaa ka dhigan in muddo hal sano loo kordhiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaasna muddo xileedkiisa laga dhigay shan sano.

Hindisahan la horgeeyay Baarlamaanka ayaa waxaa oggolaaday 56 xildhibaan, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la doortay bishii February sannadkii 2020, waxaana ka hor muddo kordhinta u harsana 15 bilood.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin muddo kororsiga ay samaynayaan qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, hore waxaa u samaystay maamulada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.