1 min read

Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayo oo caawa u safray Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa berri ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo 9-kii bishaan lagu doortay Doorasho dalkaasi ka dhacday.

Caleema saarka berri ayaa laga darreemaya magaalada Nairobi, iyada oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka kala socota wadamada Afrika iyo caalamka kale.