1 min read

Dowladda oo sheegtay in la burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen G/Sh/hoose.

Ciidamada gaarka ah ee dowladda ayaa howgallo ka sameeyay deegaannada howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50 ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Hoggaamineysa ayaa shegay in la burburiyay Saldhigyo ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.