1 min read

Taliska Booliiska oo baaraya dad rayid ah oo khasaare ka soo gaaray howgal ay ka fuliyeen Sh/hoose.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali Doodisho oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Sarkaal Al-shabaab u qaabilsan deegaanka Mubaarak iyo xubno kale.

Mr Sadiiq ayaa sheegay in goobta ay beegsadeen ku sugnaayeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo isugu jiray Saraakiil iyo Xubno kale, isla markaasna dadka shacabka ah looga qaadi jiray lacagaha.

Afhayeenka ayaa qiray dad shacab ah uu khasaare ka soo gaaray weerarka ay qaadeen Ciidanka, isla markaasna ay hadda wadaan Baaritaano ku aadan sidii loo oggaan lahaa khasaaraha rasmiga ee gaaray dadka rayidka ah.

Sidoo kale, waxaa uu tilmaamay Afhayeenka in dad kale oo rayid ah ka badbaadiyeen goobta uu howlgalka ka dhacay, kuwaasi oo ay lacaga ka aruurinyeen Al-shabaab.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegayay in ilaa saddex ruux oo shacab ah ay ku dhinteen howgalka, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo qaar kamid ah loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.