1 min read

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan XFS, xildhibaano ka tirsan labada gole, Masuuliyiin ka socday xafiisyada madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Hirshabeelle aya ka qeybgalaya shirka wada tashiga ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasi oo dhowaan ka furmaya Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa isagu barqadii soo gaaray Muqdisho, halka madaxda kalena ay ku soo wajahan yihiin.