1 min read

DEG DEG:Tababarihii Kooxda Chelsea oo la eryey.

Kooxda Chelsea, ayaa ceyrisay tababare, Thomas Tuchel, ka dib guuldaradii xaley kasoo gaartey kooxda Dinamo Zagreb, ciyaar ka tirsaneyd koobka Champions League-ka.

49-sano jirkii hore ee, kooxaha Borussia Dortmund iyo Paris St-Germain, ayaa ka tagay garoonka Stamford Bridge, 20 bilood ka dib.

Milkiilaha kooxdani, Todd Boehly, ayaa wuxuu ka dhigay tababaraha kooxdani, Tuchel, si ku meel gaar ah, ilaa laga helayo tababare rasmi ah.

Bayaan ay soo saartay kooxda, ayaa lagu sheegay in milkiilayaashu ay aaminsan yihiin in haatan la jooggo “waqtigii ku habboonaa” ee ah in la keeno tababare cusub.