6 mins read

WARBIXIN:- MAGACAABISTA WAXAA KA HOREYSA QORSHE FULIN.!!! By Dulyar

Tan iyo markii ay madaxda cusub ee dowladdani xilka la wareegtay, waxey dad badani aad u dhararayeen in Maamulka G/Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada la wada badelo, oo la raaciyo madaxda dowladdii hore ee magacowday ama ay la soo shaqeynayeen, dadkaasi waxey isugu jiraan labo kooxood.

•Koox:- waa kuwa u arka madaxdani iyagu iney ka dambeeyaan falal kasta oo amni daro ah oo dhaca maadaama aaney daacad u aheyn Madaxda hada joogta sida ay aaminsan yihiin, sidaas daraadeedna waa kuwa raba in si degdeg ah loogu bedelo madax taabasan dowladan, sidoo kale kooxdani waxey isku dhufsaneysaa qaacidada xisaabtii aan soo arki jirnay ee aheyd in Madaxweyne kasta marka uu kursiga soo fadhiisto ay caado u aheyd in madaxda uu ugu yimaado meesha uu degdeg ugu bedelo kuwo uu isagu soo magacaabo.

•Kooxna :- waa koox ay dabada ka riixayaan Siyaasiyiin xil doon ah oo fursad u arka hadii madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilka laga qaado iney iyagu boosaska soo buuxin doonaan, bilo ka hor ayeyna isku dhufsadeen xisaabta Aljabrada ah ee saami qeybsiga beelaha maadaama madaxda hada joogta ay Saaxiibo dhow layihiin lana soo halgameen,qaarkood ayaaba gawaari deyn ah oo aan xabaduhu karin sii qaatay islamarkaana suuqa sii gashaday in iyaga loo wado xil hebel iyo xero hebel.

Halkaas marka aad marineyso akhriska qoraalkeyga qudhaada waa suurtagal iney maskaxdaada ku soo dhacdo inaan qoraalkan ula jeedo mid aan ku diidanahay in waqtigaan madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilalka laga qaado, balse sidaa maaha ujeedkeyga iyo halka aan u socdo ee Adigu ha iga degdegin.

Waan ogahay xaaladda iminka taagan iney qasab ka dhigeyso in madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada isbedel lagu sameeyo si kalsoonida madaxda Sare iyo dareenka dadka loo ilaaliyo, tankale, ma moogi hab dhaqankaan in uu yahay mid soojireen ah , xitaa waxaa aaminsan Madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada ee hada xilka haya, sida aan la wada soconana dhamaantood waa xil ka qaade sugayaal, maadaama ay qaarkood xiligii wax lakala riixanayay ay jid cadayaal qaldan isaga soo hor baxeen madaxda cusub ee iminka talada dalka heysa, dhawaan ayayna aheyd markii Gud/Gobolku fagaare ka yiri “Waan ogahay in leygu soo maqan yahay oo ley bedelayo lkn ma aqaan cidda leygu bedeli doono” Qaarkood iyadoo aan la soo gaarin iyagaa xilalka sii baneeyay oo dibada dhagax tuur iyo dhega hadal ka sii bilaabay, kuwana waa horeey is gaabiyeen, mar hadii ay arini halkaas taagan tahay, dhamaanteen wey noo muuqataa inaan Tareenkaan cusub boos uga banaaneyn, oo waxaaba suurtagal ah iney iyaga qudhoodu MD & RW ku dhaliilayaan iney ka gaabiyeen xilka qaadistooda, si ay uga nafisaan wajigabaxa ay iminka ku shaqeynayaan.

Hadaba, dulucda iyo halka aan u socdo waa halkaan, dadka qaba in madaxda Gobolka iyo taliyayaasha Ciidamada xilalka laga qaado, horta ujeedkoodu ma in ciyaartoydaan Naadiga laga diro baa maadaama ay Flop noqdeen,….?….oo waxey isku raadinayaan LINE-UP cusub oo Tabarbaraha la soo doortay iyo kooxda la qabsan kara, …….Mise aragtidoodu intaa waa ka balaaran tahay oo waxey tuhmayaan in la heli karo madax iyo Saraakiil wax ka bedeli karta waxqabad la’aanta iyo fadhiidnimada uga muuqata Gobolka iyo Ciidamada.

Haddii doodoodu ay tahay qodobkaan dambe oo ah mid aragti danguud ah ku qotoma waxtarna u leh dalka iyo dadka,waa mid maangal ah oo mudan in lagu dhaqaaqo, maadaama ay dowladdu wajaheyso qorshayaasheeda mudnaanta koowaad u leh, sida xaqiijinta Amniga iyo kan lagula tacaalayo abaaraha iyo nolosha dadka tabaaleysan, iyadoo himilooyin kaas kadibna ay lagama maarmaan tahay in dowladnimada laga dhaqaajiyo isgoyskaan aan 22 ka sono dhaafi la’nahay, Tareenkana la gaarsiiyo isgoysyo kale oo ay shacabku u hamuun qabaan in loo daawasho geeyo.{Waa Riyo aad u fiican}

Haddiise uu xaalkoodu yahay hebel hebel ku bedel un., iyo waa kuwii rijiim kii hore la shaqeynayee qori iyo qaaciisa hala is raaciyo, ama waa kii iyo kaas sidaa lahaa iyo wax la mid ah, oo aaney jirin qorshe guud oo ka bedelan qorshayaashii hore ee ay ku shaqeynayeen ee ahaa howlgalo joogta ah iyo xarig ka jarka dhalinyaro loo furayo tababaro Ciidan iyadoo Aan meelna lagu ogeyn kuwii doraad,shalay iyo bilihii hore tababarada loo soo xiray,ama ay madaxda Gobolku shirarka jaraa’id ku dul qaban jireen laamiyo la xaaq xaaqayo ama la dhisayo, dabadeedna maalmo kadib aan arki jirnay iyagoo ay Roobabku burburiyeen ama ay Lo’da xaafaduhu isaga baashaaleyso. Ma aha fikrad ka soo maaxatay maskax meel fog wax ka eegeysa ama ay dhab ka tahay in dalkeenu ka badbaado halista uu ugu jiro in uu ku dhaco haadaanta uu ku sii socdo, mana aha mid ka damqaneysa duruufaha Abaareed,Colaadeed,Nololeed,dhaqaala xumo,shaqo la’aaneed,Caafimaad daro,Sicir barar ee ay dadkeenu wehelka u yihiin,dhankastoo ay u dhaqaaqaana aaney jirin cid uga tureysa dayaca,quusta iyo qalbijabka ay weheshadaan. {waana aragti jug jug meeshaada joog ah}

Ugu dambeyn,waxaan kula talinayaa Madaxda sare ee dalka in madaxda cusub ee loo soo wado maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyayaasha Ciidamada aan la iska soo magacaabin Saaxiibo tareenka dacalka ka heysta ama kuwa Siyaasad lagu qancinayee, in magacaabis tooda ka hor loo diyaariyaa qorshayaal cadcad oo wax ka bedeli kara mustaqbalka Ciidamada iyo kan Gobolka Banaadir, islamarkaana masuul kasta oo la magacaabayo gacanta laga saaro feylkiisa shaqo iyo warqaddiisa magacaabista, loona xil saaro gudi kula xisaabtama fulinta shaqooyinka loo igmaday oo Taariikheysan, hadii kale sidii kuwii hore ayey nala meereysan doonaan iyagoo u arka jagada loo magacaabay iney tahay SUMMER JOB lagu yiri ka xooleyso oo kaliya.

Mahadsanidiin/=

=WAA ARAGTIDEYDA =

Maxaa yaab isdabayaal.