1 min read

Warbixin ku saabsan weerar ay Ciidanka DF ku qaadeen Maxkamado Al-shabaab ku laheyd Sh/Dhexe.

Warbixino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ay saaka waabarigii Ciidamada Dowladda ku qaadeen fariisin ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku lahaayeen meel u dhaw deegaanka Basra ee Gobolka Gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha Hoggamineysa Ciidanka Dowladda ee weerarka ku qaaday deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in ay gabi ahaanba burburiyeen Maxkamad ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka.

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Duufaan ee ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida ayaa weli isku fidanay deegaanka Basro iyo nawaaxigiisa, halkaasi oo ay Al-shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya Talyaha qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo Saraakiil kale.

Ilaa hadda ma cadda, khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka weli kama hadlin.