2 mins read

Weerarkii Hotel Xayaat iyo Surwaalkii Ardayga.

Wiil Arday ahaa ayaa waxa Aabihii uu u soo dhiibay Surwaal si uu ugu ciideeysto. Markii loo keenay ayuu ogaaday in Surwaalku ku dheeryahay.
Hooyadii ayuu ku yiri: Hooyo Surwaalku waa igu dheeryahay ee Harqaanka iigu qaad ee 4 Cm ka soo jar. Hooyadii ayaa tiri: Wiilkeeygiyoow, Hadda mashquul ayaan ahay. Walaashii ayuu haddana ku yiri: Surwaalka Harqaanka iigu qaad ee 4 Cm ka soo gaabi. Waxa ey ku tiri: Hadda Casho ayaan karinanayaa wakhti ma ahayo.
Wiilkii isagii ayaa qaaday Surwaalkii, waxaana laga soo jaray 4 Cm. Guriga ayuu keenay, waxa uuna ku xareeystay Armajadiisii Dharka wuuna iska seexday.
Hooyadii ayaa markii ey Howsha dhaneeysay, waxa ey ku fikirtay farxadda wiilkeeda, Surwaalkii ayey Armajada ka soo bixisay, Harqaankii ayeey u qaaday waxa eyna ka soo jartay 4 Cm. waxa eyna ugu riday Armajadii.
Walaashii ayaa markii howshii Cashadu u dhamaatay. Naxariisi soo gashay, Surwaalkii ayeey ka soo bixisay Armaajadii kadibna waxa ey geeysay Harqaankii waxaa laga soo jaray 4Cm. Wax eyna ku Celisay Armajadii.

subixii ayuu Wiilkii la soo baxay Surwaalkii si uu Saaxiibadii ula qeybsado Farxadda Ciidda, uguna faano Surwaalkiisa cusub ee Aabe Dibadda uga soo dhiibay.
Nasiib daro markii uu ku labistay waxa uu noqday “Surwaal Daba gaab ah”.Wiilkiina naxtin, tiiraanyo iyo Surwaal la’aan ayuu ka qaaday.

Taasi waxa ey muujinee dhibaatada ey leedahay wada shaqeyn la’aanta Dadka howlu ka dhexeey karto.

Hotel Xayaat, K4, Mogadishu

Hotelka waxa la isagu keenay Ciidamo gurmad ah oo kala nuuc ah oo aan is aqoon, wada shaqeynu ka dhexeyn, Military, police, Nabadsugid, CID, Harmacad, kuwo Degmo, Staff Saraakiil iyo kuwa kale. Markii la isku wareeray ayaa lagu yiri: ka baxa kadibna dib ugu soo noqda.

( Hotel Xayaat wada shaqeyn la’aanta ka dhexeysay Ciidamdu waxa ey keentay in Horelkii uu soo gabto 4 Miter).

Howlaha Dowladda intooda badani waxa ey u gaabtaan wada shaqeyn la’aan.

Adiga maxeey kula tahay, wadashaqeyn la’aanta Wasaaradaha, Maamulada Gobalada iyo Dowladda, Ciidamada, Shacabka iyo Maamulada.
Haddii ey sidaan ku sii socoto, hadda waxaan joognaa Surwaalkii Ardayag iyo Hoteeladii oo soo gaabtay ee Dalkaa soo gaaban doono.

Qore: Yahya Amir