1 min read

Saddex gabdhood oo walaalo ah oo hal goob lagu dilay.

Saddex gabdhood oo yar yar, ayaa dhintay ka dib rabshad ka dhacday guri ku yaalla Tallaght, ee magaalada Dublin ee caasimadda jamhuuriyadda Ireland, Garda Síochána, oo ah ciidamada booliiska Irish-ka, ayaa sidaasi soo gudbiyey.

Booliiska ayaa loogga wacay goobta uu shilku ka dhacay ee Rossfield estate, abbaarihii 00:30 wakhtiga maxaliga ah ee maanta aroortii oo Axad ah.

Saddexda gabdhood ee walaalaha ah, ayaa loo qaaday isbitaalka caafimaadka carruurta ee Ireland ee Crumlin, laakiin markii dambe ayaa la sheegay iney dhinteen.

Wiil dhalinyaro ah, oo qana dhaawacyo halis ah, iyo hooyada dhashay carruurta oo aanu dhaawac soo gaarin, ayaa sidoo kale isbitaalka ku jira.

Dhaawaca wiilkan dhalinyarada ah, ayaa la rumeysan yahay inuu halis ku yahay noloshiisa.

Nin 20 jir ah ayaa goobta lagu qabtay, waxaana hadda lagu hayaa Saldhigga xaafadda Tallaght Garda. Booliisku ayaa waxay sheegeen inuu u adeeg sadeen qabashada ninkan 20 jirka ah qalab gaar ah.

Gardaí, oo ah booliiska, ma baadi goobayaan cid kale oo lala xiriirinayo dhacdadan, waxayna aaminsan yihiin in dadka ku lugta leh ay dhamaantood is yaqaanaan.

Waxay dhacdada ku tilmaameen mid fadqalalo, caqabad iyo argagax leh”.

Goobta uu dil wadareedka uu ka dhacay, ayaa weli xiran, oo baaritaanka dambiga dhacay, ayaa bilaaban doonna xili danbe.