1 min read

Macawiisleyda oo weerar ku qaaday deegaan ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Hiiraan.

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka Macawiisley iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan Geed-wayne oo dhaxeeya deegaanka Buurwayn iyo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Kooxda Macawiisley oo ka carreysan dadkii lagu laayay deegaanka Afar irdoodka ee u dhaxeeya Maxaas iyo Beledwayne ayaa weerar culus ku qaaday dagaalameyaak ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Geed-wayne.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa in uu ka dhashay dagaalka oo muddo socday, kaasi oo soo kala gaaray dhicyada dagaalamay.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka Macawiisley iyo Ururka Al-shabaab ayaa ka hadlin dagaalka maanta.