1 min read

Al-Shabaab oo mar kale gubay guryo ku yaalla G/Hiiraan.

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in mar kale ay gubeen guryo ku yaalla deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dagalamayaashaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwii dadka ku laayay kuna gubay baabuurta degmada Maxaas oo horay deegaanadaasi hore usii maray.

Deegaanadan ayaa waxaa kamid ah Ceel-la-helay iyo Darow oo gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay Al-shabaab in ay deegaanada  ka kaxeysteen xoolo ay lahaayeen dadkii halkaasi ku noolaa, sidaasi waxaa idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Maxaas,  Muumin Maxamed Xalane.