4 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 320=Dhiiga Caado iyo Mushaarku waa isku mid,Bil ayaa la sugaa,7 Cishana waa ku dhamaadaan=.

  1. Wiil ayaa yiri: Habeen, Aniga ag marayo Qubuuraha Jan. Da’uud ee Deg. Wardhiigley. ayaan arkay Saddax Gabdhood oo waddada dhinaceda taagan oo rabo in ey maraan wadada Qubuuraha dhax marto si ey ugu Gudbaan dhinaca Xaafadda Xamar Bile. Waxa ey yiraahdeen Aboowe waan cabsaneynaa ee na mooti Waddadaan. Markii aan mareeynay Qubuuraha Dhaxdooda ayaan ku iri: Aniguba markii aan Noolaa, Sidiina oo kale ayaan halkaan uga cabsan jiray.
    Weligeey ma arag Gabdho sidaa u ordayo, Anigaaba gaari waayay. kuwaasi Koob Dahab ah waa ka keeni lahaayeen Ciyaaraha Olympic. ( F.S: 1aad)

( Ninkaan ma runtiisaa ma Meytaa, mise waa beentii ?. ma dhici kartoo in uu ula jeedo Dadka Xamar joogo waa wada meyto, sugayo Gacan ka gardaran, iyo Fal la cambaareeyo)

  1. Dhiiga Caado iyo Mushaarku waa isku mid. Bil ayaa la sugaa, 7 Cishana waa ku dhamaadaan.

( Ogow, Dad aan weligood Mushaar qaadan iyo Kuwa uuna weligood dhiig Caado ku dhicanna waa jiraan)

  1. Xilli aad iyo aad u kulul ayaa Masjidkii waxaa ka damay Mukeyfii Qaboojinayay Masjidka, Farsamayaqaan Faataxaa laguu akhraa la yirina waa sameeyn waayay. Imaamkii ayaa Jamaacadii ku yiri: Raali ahaada kuleylkaan yar ku cibra qaata oo ku xasuusta Naarta Jahanamo kuleeylkeeda oo ka daran kan, in uu Dadka Sugayo.
    Xoogaa kadib, Oday waayeel ah oo u adkeysan waayay Kuleeylkii ayaa yiri: War Culumooy, mar kasta ha nooga sheekeeynina Kuleelka Naarta ee naga Sameeya Mukeyfka aan ku Xasuusanee Qaboowga Janatul Fardowso.( F.S: 2aad)

( Siyaasiyiineey, Marka kasta ha nooga sheekeeynina Khilaafka dhaxdiina ee Heshiiskiina na tusa)

  1. Filosofkii Giriiga ee Caanka ahaa Mr. Suqraad ayaa Yaraantiisii hurdada ku daahi jiray Subax kasta. Subixii Dambe ayey Hooyadii u geeysay Macallinkiisii, waxa eyna ku tiri: Macallin Wiilkaan u sheeg Hurdada lagu daaho dhibaatada ey leedahay.

Macallinkii ayaa yiri: Shimbiraha Caruurta leh Subaxdii Wakhti hore ayeey soo kacaan waxa eyna Soo Gurubsadaan Cayayaanka yar yar oo ey Caruurtooda ku quudiyaan. kuwa Hurdada ku daahana waxa ey yimaadaan Cayayaankii oo laga dhameeysatay. wiilkeygoow Sheekadaan soow kama fahmin in Kii hurdada ku daaho uuna wax heleeyn.

Wiilkii yaraa ee Sukharat ahaa ayaa yiri: Maya waxaan ka fahmay in Cayayaankii yar yaraa ee Subixii dhakhsi u soo kaco la cunayo.( F.S: 3 & 4aad)

( Dadka naqdiyo Qoraaladeyda ee hal dhinac kaliya wax ka fiiriyo, ama wax ka baxsan Mowduuca kugu naqdiyo oo Commentiga ku soo qoro: Prof. Somaliya sidaan miyaa, Aqooneey xaal qaado, proffessor Negative.

Soqoraad oo markii uu weynaaday noqday Filosofer caan ah, waxa ey dhihi lahaayeen: Filasofoow xaal qaado, Mr. Negative Sukhraad, khatarta Shimbirtaa loo sheegay ee maxaa Cayayaanka ka galay haddii la cuno, mala dhihi karaa: Commetiyada qaarey Xaal qaado?)

  1. Nin Bakhiil ahaa, ayaa markii uu Xajinaayay ku yiri: Dadkii De8riska ahaa, waan ogahay weligeey Gurigeeyga idinkuma casuumin Adinkuna waad igu casuumi jirteen, Waxaan idinka Ballan qaadaa, Haddii aan Xajka si nabad ah uga soo Noqdo waxaan Ballan qaadayaa in aan Qado weeyn oo kaligeed u dhiganto intii aad Qado ii sameey jireen aan idiin sameeyo.
    Markii uu Xajkii ka soo noqday waxa uu ku yiri: Wixii ka horeeyay intaan Xajka la aadin waa la cafiyay.( F.S: 5aad)

( Horta Xildhibaanadda, wixii Doorashada ka horeeyay waa sidee?)

  1. Wiil 8 jir ah, ayaa Hooyadii ku yiri: Hooyo Xalay markii aad Caloosha Aabe uga fadhiday ee aad hoos u riixeysay maxaad uga dan leheyd? waxa ey ku tiri: Aabe Caloosha ayaa ka weeynaatay, Hoos ayaana u riixayay.
    Wiilkii yaraa ayaa ku yiri: Hooyo taasi ma shaqeeyneeyo, Maalintii Jaariyadeena, Canab Qurux ayaa dhinaca kale ka soo riixeeyso.

( Cunugaasi si daacad ah ayuu isaga hadlay. Mana ogo Hadalkaa yar cawaaqib xumida ka dhalan karto in uu yahay, kala tag Qooys oo isaga laftiisa saameyn karto.
Halkii Wiilka yar, arrintiisu ku koobneed qooyskiisa. Hadda waxaa soo baxay Dad waaweyn oo Sariirta ka sheekeeynayo, oo weliba Bulshada oo dhan u sheegayo.
Hadalku waxa uu Dahab yahay inta uu Afka ku jiro, Hadalka Wiilku waxa uu fidneeyn karaa Qooys, kan waayeelkuna Bulshada oo dhan. Sariirta Dhinaca fiican ha laga fiiriyo. Mobilka u rog dhinaca kale ee Fiiri ( F.S: 6aad).

Qore: Yahya Amir