1 min read

Saraakiil ka socota Howgalka ATMIS iyo M.Yurub oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dargelinta howlaha wasaarada iyo taliska ciidanka xoogga ee dhameystirka barnaamijka ATMIS ee ciidanka XDS ay masuuliyada amniga kula wareegayaan .

Kulankaan ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid, Ku-simaha midowga Africa Marwo Fion Lortan, Gen. DIOMA NDEGEYA, Madaxa hoggaanka arrimaha dibada gaashaanle dhexe Iiman Elman iyo madaxa hoggaanka qorsheynta dhamme Cabdulaahi Dheere.