1 min read

MadaxweyneXasan Sheekh ayaa magcaabay ergey cusub oo u qaabilsanaan doona ganacsiga & maalgashiga.

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magcaabay ergey cusub oo u qaabilsanaan doona dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga, iyo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha shidaalka iyo gaasta.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka madaxtooyada ayaa sidoo kale lagu sheegay in labadan masuul oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waaya-aragnimadooda shaqo in la doonayo inay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dawladda ee ah, Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboonimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalka Soomaaliya.