1 min read

Madaweyne Xasan Sheekh oo sheegay saddex arrin oo laga sugayo xukuumadda.

MUQDISHO — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay kulan lagusoo gunaanaday shirkii Golaha Wasiiradda labada maalmood uga socday magaalada Muqdisho, kaas oo lagu falanqeeyay hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada bulshada.

“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada.” ayuu yiro madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh “ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Kuxigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.”

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in rajada shacabku ay ka sugayaan xukuumadan ay tahay inay horseeddo xasilloni, amni iyo horumar.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan inaad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hay’adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hay’adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.” ayuu Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u sheegay golihiisa wasiiradda xilli uu xalay soo xirayay shirka xukuumadda uu ugu magac daray ‘Dan Qaran.’