1 min read

K/Afrika: Shacab careysan oo boobay dukaamo ay leeyihiin ganacsato ajaaniib ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shacab careysan ay boobeen dukaamo ay leeyihiin

ganacsato ajaaniib ah kaddib markii sida la sheegay nin ajanabi ah uu dilay will 15 sano jir ah.

Rabshadaha ayaa inta badan ka dhacay agagaarka tuulada Schoonoord (iskuunood) ee hoostagta magaalada Jane-Furse (Jeenfoos), halkaasi oo lagu boobay dukaamo ay leeyihiin ajaabiin u badan reer Pakistan.

Arrintan ayaa cabsi ku abuurtay Soomaalida gobolkaasi kaddib markii warbaahinta qaranka ee SABC ay ninka dilka geystay ku sheegtay in uu u dhashay dalka Soomaaliya haseyeeshee ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ayaa arrintaasi beeniyay.