1 min read

Cilad maanta la soo deristay facebook.

Kumanaan qof oo ah isticmaaleyaasha Facebook-ga guud ahaan dunida, ayaa Arbacada maanta ah soo wariyay cilado ay kala kulmeen facebook-gooda, kuwaas oo la xirriira inay ka soo hor baxayeen bogagga iyo guruubyada ay leeyihiin dadka caanka ah oo keliya.

Dadka isticmaala bartaasi, ayaa ciladdaas soo wajahday ihta u dhaxeysay 5-ta aroornimo ilaa 9-ka Subaxnimo, waqtiga Bariga Africa.

Shirkadda Meta, ayaa raali gelin ka bixisay arrintaasi, iyadoo sheegtay in arrinkaa la xaliyay.

“xiliyadii hore ee saaka, macaamiisha facebook-ga waxay ku dhibtoodeen akoonkooda, balse sid ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogu xaliyay dhamaan intii ay saameysay”, ayuu yiri afhayeenka shirkaddaasi oo BBC-da la hadlay.