1 min read

Golaha Wasiirrada oo maanta u furmay shir looga hadlayo Xaaladda dalka.

Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ra’iisul wasaare Hamse Cabdi Barre, ayaa daahfuray kulan wadareedka Golaha wasiirrada xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay isula lafa-guraan una wadagaan howlaha horyaalla dowladda iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.